Waxaa xalay degmada Hodan ka dhacay qarax xoogan, kaasoo laga maqlay guud ahaan xaafadaha u dhow degmadaasi.
Qaraxa ayaa la soo warinayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya, waxaana qaraxa kadib ka dhacay goobtaasi rasaas xoogan oo ay fureen cidamada la weeraray.
Shacabka u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka kala cararay, waxaana ay ciidamada bilaabeen baaritaano la xiriira cida ka dambeysay qaraxa.
Qaraxa ayaa ahaa bambka gacanta laga tuuro, waxaana la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen dhalinyaro aan gacanta lagu dhigin, kuwaasoo markiiba ka cararay goobta.
Warkii