Warbixin ku saabsan Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasarare C/wali

0
907

Abdiweli20131226_4Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa ku jira wada tashiyadii u dambeeyay oo ku aadan soo magacaabida Golihiisa Wasiirada cusub oo lagu wado inuu ku dhawaaqo maalmaha soo socda oo ay u bada tahay bilowga bisha Janaayo ee sanadka 2014.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo aanu heleyno Golaha Wasiirada cusub ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa abid Xukuumadihii u dambeeyay ee dalka soo maray, waxaana ay gaarayaan ilaa 55-Wasiir oo isugu jira Wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal, iyadoo Wasiirada buuxa ay yihiin 25-Wasiir.

Ilo wareedyo ay Jowhar.com ka heleyso Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweynaha ayaa sheegaya inay qaar ka mid ah Wasiiradii Xukuumadii Saacid ay u badan tahay inay soo laabtaan, waxaana ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed, Fowziyo Yuusuf Aadan, Maryan Qaasim, C/xakiin Fiqi, C/llaahi Abyan Nuur, waxaana laga yaabaa in wasaaradaha loo kala bedelo.

Ballaarinta lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa noqon doonta mid wajiyo cusub lagu arki doono, waxaana xubno Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dowlayaal uga aha Xukuumadii hore ay noqon doonaan Wasiiro, waxaana raga la calaamadeynayo ka mid ah Faarax Sheekh C/qaadir, C/raxmaan Dheere iyo rag kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Beesha H/gidir laga yaabo inay labo Wasiiro hesho, sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Madaxtooyada ay sheegayaan.

Xubnaha kale ee la hadal haayo inay Wasiiro noqonayaan ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane oo loo magacaabi doono Wasiirka Maaliyada, Mahad Salaad, C/raxmaan Xoosh Jibriil,o Mustaf Dhuxulow iyo Dr. Maxamed Nuur Gacal oo midkood ay heli doonaan Wasiiro, balse aan la ogeyn cida ku soo bixi doonta liiska Golaha Wasiirada.

Inkastoo wax walba is bedeli karaan, hadana hadal heynta ugu badan ee laga helayo Xafiisyada Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ah in xubnahan magacyadooda aan soo bandhignay ay yihiin kuwo ugu dhow ee ka soo muuqanaya liiska Golaha Wasiirada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la yeelanaya Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana mudanayaasha ay dadaal ugu jiraan sidii rag ay iyagu wataan ama qudhooda ay helaan jagooyinka, waxaana Xukuumadan cusub laga yaabaa in tirada ugu badan ay ka timaado Baarlamaanka gudihiisa, si kalsooni looga helo Baarlamaanka marka la horgeynayo.

Si kastaba ha ahaatee Golaha Wasiirada cusub ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka la horgeeyo ka hor 10-ka bisha Janaayo, inta uusan Baarlamanaka gelin fasaxa iyo soo xiritaanka Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka, waxaaana baarlamaanku uu geli doonaa labo bilood oo fasax ah.

Jowhar