Wariye caan ah oo lagu xiray magaalada Kismaayo

0
951

KismayoCityAadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) oo ka mid ah wariyeyaasha Taleefashinka Qaranka iyo Raadiyaha Kismaayo ee dowladda ayaa shalay galab xabsiga dhigeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba arintaasi oo ay si aad ah u canbaareeyeen ururuka suxufiyiinta qaran ee NUSOJ.

Gaari uu watay wariyaha ayaa la sheegay in ciidan ka tirsan kuwa maamulka ay joojiyeen, kuwaas oo ku war-geliyay inay hayaan warqadda oggolaanshaha xariggiisa iyaga oo kadibna xabsiga u dhaadhiciyay.

Lama oga sababta ka dambeysa xariggiisa, inkasta oo ay Soomaaliya caadi ka tahay in la dhibaateeyo wariyaasha iyaga aan ogeyn danbiga loo heesto.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaan wali ka hadlin xarigga wariyaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay NUSOJ ayaa lagu yiri, “Waxa aan canbaareyneynaa xariga wariye ay kula dhaqaaqeen maamulka Jubba.xarigiisa waxaa laga soo amray madaxtooyada Jubba, waxaana lagu haya xarun sirdoonku leeyihiin oo lagu magacaabo K2”.

Mohamed Ibrahim oo ah xoghayaha guud ee NUSOJ ayaa waxa uu yiri, “Waxa aan codsaneynaa in si shuruud la aan ah lagu sii daayo Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo)”.

Wariyaasha ayaa dalka Soomaaliya waxa ay kala kulmaan, dil, dhaawac, handadaad, xarig iyo dhibaatooyin kale iyada oo dalka loo aqoonsaday in uu kamid yahay dalalka ugu qatarsan ee wariye uu ku noolaado.

Warkii