Wasiirka horumarrinta Adeegga Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Qaasim Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Warbaabinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixisay waxqabadkii sannadkii laga soo gudbay, waxa ay sheegtay in Wasaarad ahaan ay u sii kala baxaan afar Agaasin, wasiirka ayaa ka hadleysa qodobbo ka mid ah guulihii laga gaaray agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay ku guuleysteen horumarinta waxbarashada oo hada ay maamulaan dugsiya dhowr ah oo wax lagu baro jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya.
Sidoo kale Dr Maryam Qaasim Axmed Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada, ayaa tilmaantay in guulo la taaban karo laga gaaray sannadkani sii dhamaanaya agaasinka Caafimaadka ee wasaaradda oo ay ugu dambeysay shirweynihii Caafmaadka Soomaaliya, kaasi oo ay gacan ka geysteen qubarro Caafmaad oo Soomaali ah, waxaana laga soo saaray shirkaasi qodobo saldhig u ah Caafmaadka guud ahaan Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa waxa ay xustay in waxyaabbo badan ay uga qabsoomeen dhammaan Waaxyaha kale ee wasaaradda, isla markaana ay ku howlan yihiin sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha baaxadda leh sanadkani nagu soo wajahan.
Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku biireysaa wasaaradaha waxqabadka muuqda ka gaaray mudadii ay jirtay Xukuumadda Ra’isul wasaare “Saacid” , waxaana wasaarad ahaan dib loo soo celiyey Istaratiijiyaddii dowladnimo si adeegga loogu talo galay uga soo baxdo wasaaraddaasi.
Radio Muqdisho