Wasiirudowlaha W/Arrimaha Gudaha oo Gaaray Jowhar Kulamana La Qaatay Maamulka iyo Waxgaradka G/Sh/Dhexe

0
850

CabdikariimGuuleedWasiiru dawlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka oo shalay gaaray magaalada Jawhar ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo odayaasha beelihii dhawaan ku dagaalamay deeganno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigan uu hogaaminayo wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mahadi Maxamed Cali ayaa booqday xerooyinka ay ku jiraan dadkii ku barakacay fatahaada wabiga Shabeele, iyagoo u kuur galay xaaladooda nololeed iyo baahida ay qabaan.

Wsiirudowla iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda maamulka gobolkaasi iyo waxgaradka beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoos yimaada degmada Jowhar wuxuuna sheegay in dowladu sida ugu dhaqsiyaha badan ay gogol ugu dhigi doonto beelahaasi.

“Dowladu waxey balan qaaday in wixii dhiman ay wax idinkala qabato wasaarada arrimaha guduhuna gogol ayeey dhigeysa si loo gaaro xal waara’’ Ayuu yiri wasiirudowlaha wasaarada arrimaha gudaha.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladu ugu jirto horumarinta nabada si loo baajiyo colaad dambe oo dalkaana ka dhacda.

Radio Muqdisho