Wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Baydhabo

0
825

baydhabo3Baydhabo25Kooxo hubeysan ayaa Habeenkii Xalay wiil dhalinyaro ah ku toogtay Xaafada Siigaale ee magaalada Baydhabo.

Dilka wiikaan ayaa waxaa loo adeegsaday Biskoolad, iyadoo aan la garaneyn sababta ay u beegsadeen kooxahaas.

Kadib dilka wiilkaas, ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa maamulka Baydhabo, iyagoo bilaabay baaritaan aan wax natiijo ah kasoo bixin, maadaama ay fakadeen kooxihii dilka geytay.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Amaanka Baydhabo, ayaa dilkan ku eedeeyaay ineey ka danbeeyeen Amniyaadka Shabaab, oo iyagu caan ku ah dilalka qorsheysan.

Midnimo