Xaalada Garbaharey oo saaka dagan, kadib dagaalo culus oo ka dhacay

0
845
Markacadeey.com

Markacadeey.comWaxaa deggan saaka xaaladda magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo halkaasoo shalay uu dagaal ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab oo weerarka soo qaaday.

Saraakiisha Garbahaarey ayaa u sheegay Rajonews  in xaaladdu ay tahay mid deggan isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay iyaga weli ku sugan yihiin.

dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo waxaa ku geeriyooday tiro askar ah halka kuwa kalena ay kuDdhaawacmeen sida dad ku sugan magaaladfa ay inoo sheegeen.

Waxaa sidoo kale goobjoogayaasha ay u xaqiijiyeen Rajonews  in saaka xaaladdu ay tahay mid wanaagsan hayeeshee ciidamada dowladda ay yihiin kuwa aad u feejigan.

Warkii