Xaalado caafimaad daro ayaa soo wajahay dadkii ka soo barakacay fatahaadihii wabiga shabelle iyo colaadii dhowaan ka dhacday deegaan hoos yimaada Jowhar, iyadoo dadka badankood ay soo wajaheen cuduro ka dhashay fatahaada.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Jowhar cuduro ay ka mid yihiin kaneecada iyo kor cun-cun ayaa ka dhashay fatahaada, iyadoo wali xaalad go’doon ah ay ku jirto Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dilaaco cudurka shuban biyoodka, maadaama dadka aysan heysan biyo nadiif ah.
Dhaqaatiirta caafimaadka ee ku sugan Jowhar ayaa sheegaya in biyaha fadhiya duleedka Jowhar ay dadka u isticmaalaan qubeys iyo inay cabaan, taasna ay cuduro ka dhalan karaan.
Waxaa la soo warinayaa in daawooyinka iyo raashinka ay yihiin ciriiri, iyadoo labo kaam oo laga bixiyo raashin bisil ay kaliya yihiin hal waqti.
Haweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ee safka u gala raashinka ayaa sheegtay inay dhibaatooyin kala kulmaan, isla markaana dadka ay is buurtaan, waxaana haweeneydaas ay sheegtay inay gacan ka jabtay.
Kumanaan qoysas ah ayaa ka soo barakacay colaadaha iyo fatahaadaha Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo dadkan ay helaan deeqo uga yimaada jaaliyadaha dibada iyo hey’ado maxali ah oo gar gaar aan badneyn soo gaarsiiya.
Jowhar