Wararka ka imaanaya Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Xiisad Colaadeed ay ka taagantahay degmadaasi taasi oo u dhexeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi iyo Maleeshiyo Beeleed halkaasi jooga.
Sulub Axmed Diiriye Shabeel oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Galgaduud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Xiisadaasi Colaadeed ee ka taagan Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Shabeel ayaa sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda la gaarsiiyay Degmada Caabudwaaq si ay u xakameeyaan ammaanka degmadaasi waxaana uu sheegay Sidoo kale in Masuuliyiin fara badan oo ka tirsan Kuwa Maamulka Gobolka Galgaduud in ay gaareen degmadaasi oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Mr Cirfo.
Sarkaalkaan ayaa tibaaxay in Xiisadaan markii hore ay ka dhalatay kadib markii Nin Hubeysan uu weerar ku soo qaaday Saldhig ku yaalla Magaalada Caabudwaaq kadibna Ninkaasi uu ku geeriyootay Rasaas ay huwiyeen Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Saldhigaasi.
Dhacdadaasi kadib ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda waxaa laga soo rasaaseeyay Mar ay marayeen Gudaha Magaalada Caabudwaaq gudaha guri ku yaalla Magaalada.
Si kastaba Sarkaalkaan oo sii wata hadalkiisa ayaa carabka ku adkeeyay in ay garanayaan dadka leh Guryaha Ciidamada dowladda laga soo rasaaseeyay taas oo sababtay dhaawaca 4 Askari oo mid ka mid ah uu dhaawaciisa u geeriyooday, waxaana uu wacad ku maray in ay ku raad joogaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay ayna cadaaladda hor keeni doonaan.
Shabelle