Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo kulankii maanta ajandaha uu ahaa akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Qaxootiga iyobarakacaaysha.
Xildhibaanada ayaa galay dooda ku aadan sharcigani, iyagoo xildhibaanada aragtiyo kala duwan ay ka dhiibteeb Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacaayaasha, iyadoona kulanka maanta Xildhibaanada ay Su’aalo ku weydiiyeen Agaasimaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha.
Axmed Cabdi-Kariin Nuur oo ah madaxa Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo ka jawaabay su’aalahaasi ayaa waxa uu xildhibaanadda ka codsaday in sharcigani ay meel mariyaan.
Ugu danbeyntii waxaa kulanka soo xiray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar oo sheegay in lagu darayo hindise sharciyeedkani talooyinka xildhibaanada ay soo jeediyeen.
Radio Muqdisho