Xubnaha Golaha Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta waxa ay su’aalo ay ku weydiin doonaan Sii haayaha xilka Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Mahdi Maxamuud Cali & Taliyihii hore ee ciidamada Badda Admiral Faarax Qare.
Kulankan su’aalaha lagu weydiinayo labadaan xubnood ayaa manta waxa uu ka dhacayaa xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xog-heynada Baarlamaanka ayaa idaacada Kulmiye waxa uu saaka usheegay in su’aalo la weydiin doono labada mas’uul oo hore hindiso sharciyeed usoo gudbiyey.
Su’aalaha ayaa waxay ku saleysnaan doonaan dhismaha hay’ada Qaxootiga iyo xeerka barakacayaasha iyo sidoo kale dhisida hay’ada daraasaadka badda Somaliya.