Xildhibaannada Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay Mooshinka codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda

0
1014

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_9Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen ku gudagalay dooda mooshinka la xiriira codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda kaasi oo ay Golaha Shacabka usoo gudbiyeen 168Xildhibaan.

Dooda Baarlamaanka ee maanta aad ayey u kululeyd, kulankana kulamadii hore waa uu ka duwanaa waayo waxaa joogay Xildhibaanno gaaraya 247Xildhibaan laakiin bilowgii Kulanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shirka gudoominayey ayaa Xildhibaannada soo hordhigay codsi ka yimid Ra’isulwasaaraha Xukuumadda kaasi oo ku aadanaa inuu Xildhibaannada hor yimaado si uu u difaaco mooshinka Xukuumadda laga keenay waxaana uu Gudoomiyaha ka codsaday Xildhibaannada in codsigaasi ay ogolaadaan maadaama ay iyagu leeyihiin go’aanka ugu dambeeya.

Codeyn gacan taag aheyd oo ay Mudaneyaasha Baarlamaanku arintaasi u qaadeen ayaa waxaa ogolaaday kaliya Sideed Xildhibaan, 141Xildhibaanna waa ay diideen halka ay 75Xildhibaanna ka aamuseen sidaas ayaana ajandihii Baarlamaanka maanta looga saaray in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka ku hor yimaado.

Markaasi kadib Xildhibaannada Baarlamaanku waxey gudagaleen dooda mooshinka Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyey in mooshinkan cod la geliyo maadaama aysan Xukuumaddu howlo badan oo loo igmaday qaban halka ay qaar kale oo Xildhibaannada ka mid ahna soo jeediyeen in mooshinkan aanan xiligan habooneyn oo ay tahay in Xukuumadda fursad la siiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo xeray kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in maanta ay dooda ka qeybqaateen 31Xldhibaan sidaasi darteedna dooda maalinnimada berrito ah lasoo gebagebeeynayo.

Hadii ay soo gebagebowdo dooda mooshinka Codka Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda waxa xiga ee Baarlamaanka laga sugayo waa iney codka kalsoonida u qaadaan.

Radio Muqdisho