Xildhibaannada Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka

0
927

JeylaniIkar20130704Kulan maanta mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayay warbixin kaga dhageysteen gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta baarlamaanka.

Kulankii maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa soo dirtay 144 mudane, iyadoo furitaankii kulanka kadib ay mudanayaashu guda galeen ajandaha kulanka oo ahayd dhageysiga warbixinta gudiga dib u eegista.

Abuukate Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ah gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka KMG ah ee dalka ayaa sheegay in gudigooga ay qabteen muddadii sanadka ahayd waxbaayo badan oo ay ka midyihiin dib u eegis ay ku sameeyeen cutubyo ka mid ah dastuurka.

“Gudiga tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan waxaan yeelanay 53 kulan oo ah kuwa guud iyo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen gudi hoosaadyadeena, waxaana intaas oo dhan kaga hadleen sida wax looga badali karo dastuurka KMG ah” ayuu Abuukaate Daahir Xasan Cabdi hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo isna xubin ka ah gudiga waxka badalka dastuurka ayaa sheegay in ay qabteen howlo badan oo ay ka midtahay dib u eegis ay ku sameyeen cutubka 15aad ee dastuurka, ayna rajeynayaan in howshooda ay goor dhaw u soo gabo gabowdo.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo gabo gabadii kulanka soo xiray ayaa mudanayaasha ku booriyay inay soo aqristaan dukumintada ay gudiga xildhibaanada u qeybiyeen, isagoo ka codsaday inay talooyin ku soo biiriyaan warbixinta ay gudiga dib u eegista iyo dhaqan galka dastuurka KMG ah ay baarlamaanka u so gudbiyeen,

Dasuurka KMG ah ee dalka ayaa waxaa horey u meel mariyay in ka badan 800 oo ergo kuwaasi oo laga kala keenay gobollada dalka.

Radio Muqdisho