Xuska qowmiyadaha Itoobiya oo lagu wado inuu maanta ka billowdo Jigjiga

0
913

XuskaQowmiyadahaJigjiga20131208_1Xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Jigjiga ayaa markii ugu horreysay marti gelinaysa xuska qowmiyadaha dalka Itoobiya, iyada oo la adkeeyay amniga magaalada.

Xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa mid sanadle ah, kaas oo marba lagu qabto dowlad deegaan ka mid ah 9-ka dowlad deegaan ee dalka Itoobiya, iyada oo lagu soo bandhigo hiddaha, dhaqamada iyo taariikhda qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya.

Wafuud ka kala socota ku dhowaad 20 waddan ayaa lagu sharfay inay ka qaybgalaan xuska, waxaana marti-sharafta ku jira mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Bar-kulan