Labo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen deegaannada Kongo iyo Dhaay-gawaan ee gobolka Shabeellaha dhexe, xilli ay isku dayayeen inay ka tallaabaan daadadka ka soo rogmaday webiga Shabeelle.
Labada qof waxaa lagu kala magacaabaa Darbane Suleymaan oo 25 jir ah iyo Farxiyo Maxamed Axmed.
Dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay baadigoob ku helaan meydadka labada qof.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka gobollada Shabeellaha dhexe iyo Banaadir oo wata doonyo yaryar ayaa kormeeray xarumo lagu quudiyo dadka ay saameystay fatahaadda webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabadgelyada ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Joodax ayaa sheegay inuu maamulkoodu kaalin ka qaadan doono gargaarka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan gobolka Shabeellaha dhexe.
Bar-kulan