Sida Ilo Xog ogaal ah ay inoo Xaqiijiyeen Al Shabaab ayaa Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku xir xireen illaa 10 qof oo ay uga shakiyeen in ay la shaqeeyaan Hay’ado shisheeye oo deegaanada Ururkaasi uu ka arrimiyo horay looga Mamnuucay.
Dadkaan Shabaabku ay Xabsiga dhigeen ayaa lagu eedeeyay in la shaqeeyaan Hay’adaha ICRC iyo Bisha Cas oo laga Mamnuucay Meelaha al Shabaab ay Maamulaan.
Deegaanada dadkaan laga soo qab qabtay ayaa waxa ay kala yihiin Bu’aale iyo Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Si kastaba Al Shabaab ayaa dhulka ay ka taliyaan waxaa horay ay uga Mamnuuceen Hay’ado badan oo kuwa Caalamka ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen in dano gurcan ay dalka ka haayaan.
Shabelle