Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen Dad Goobjoogayaal ku sugan Degfmada Baardheere ee Gobolka Gedo Al Shabaab ayaa Xalay meel fagaaro ah Xalay waxaa ay ku gubeen Gaari Khaat waday kaasi oo 10 maalin ka hore Al Shabaab ay ka dhex qabten gudaha Degmadaasi.
Khaatka ayaa lagu gubay meel fagaaro ah oo ku taala Degmada Baardheere waxaana Darawalkii waday Gaariga iyo Nin la socday lagu xukumay 1 Bil oo Xariig ah .
Dhinaca kale Ururka Al Shabaab ayaa isla Degmada Baardheere waxaa ay ku gubeen Tubaako maalmo ka hore ay ka dhex qabteen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku sugnaa goobta Khaatka iyo Tubaakada lagu gubay oo Boqolaal Dad weyne ah kula hadlayay ayaa sheegay Cidii lagu arko iyadoo waxyaabaha muqaadaraadka soo gelineysa Baardhaare ay Xarakada Al Shabaab talaabo ka qaadeyso.
Sikastaba ha ahaatee Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku hayo Ururka Al Shabaab waxaana Al shabaab goor hore ay digniin u jeediyeen Dad Khaatka iyo Tubaakada ku dhex iibiya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Shabelle