Al-Shabaab oo loo soo jeediyay inay hubka dhigto

0
983

AhlusunaMaamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa u soo jeediyay maleeshiyada Al-Shabaab in ay hubka dhigaan oo ay wadahallo nabadeed galaan.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cabdirisaaq Cali Mire, oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in ay maleeshiyada u soo jeedinayaan in ay cafis waydiistaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay wadahadallo galaan.

Wuxuu tilmaamay inay Al-Shabaab ku guul-darreysatay dagaalladii ay dalka ka wadday.

Wadahadallada ay soo jeediyeen ayuu sheegay inaysan qeyb ka ahayn ajaanibta ka barbar dagaallanta maleeshiyada Al-Shabaab.

Bar-kulan