Magaalada Garowe waxaa saacadihii u dambeeyay laga dareemayaa isbadal dhanka amaanka ah, kadib markii laamaha amaanka ay bilaabeen xaqiijinta amaanka guud ee deegaanada Puntland.
Madaxweynaha cusub ee maamulka C/wali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq u diray dhamaan laamaha amaanka, isagoo ugu baaqay inay sugaan amaanka shacabka Puntland, iskana ilaaliyaan wax walba oo qal qal galin kara amaanka Gobolka.
Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo su’aalo weydiinaya Dadka saaran Gaadiidka raaxada, waxaana ay qeyb ka ahayd xaqiijinta amaanka magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Waxaa Garoowe ku sugan madaxweynaha cusub ee Puntland C/wali Maxame Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa, guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale dhammaan wakiillada Puntland kuwaasoo hogaanka kala wareegaya maamulkii madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Warkii