Ambassador Abdirahman Dinari : “ waxaan rajeynayaa in aan dib u soo celiyo 42 gaadiid oo ganacsato Soomaaliyeed ay leeyihiin”

0
1139

DiimaariSafiirkaSSudanSafiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba – South Sudan Ambassador H.E. Abdirahman Nur Mohamed “ Dinari” ayaa maanta kala wareegay dukumintiyo la xiriira lahaansho gaadiid ganacsato Soomaaliyeed oo baabuurtooda ay gacanta u gashay xoogaga dowladda South Sudan ee ku sugan Degmada Pariyang ee ka tirsan Magaalada Bantiu ee xarunta gobolka Unity State ee hodanka ku ah shidaalka , una dhow xadka dowladda South Sudan ay la wadaagto Sudan.

Ganacsade, Farhan Ismael Bile “ Farid” oo ka mid ah guddiga gaadiidka, kana mid ah milkiilayaasha gaadiidka deegaankaasi lagu heysto, ayaa waxa uu cadeeyay in 42 gaadiid oo iskugu jira iskarogayaal iyo booyado Soomaalidu leeyihiin uu gacanta u galay xoogaga dowladda ee maamula degmada Pariyang, ayna u adeegsadaan howlahooda gaarka ah , isagoo xusay in 80 ruux oo Soomaali ah oo gaadiidkaasi ka shaqeynaayay, 50 ka mid ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi, halka 30 kale ay yimaadeen Juba, safaaraduna ay si nabad ah dib ugu celisay Magaalada Muqdisho todobaadkii hore.

Farhan Ismaeil oo sheegay in wax hanti ah aaney u saarneen gaadiidkaasi ayaa waxa uu ka codsaday Safiirka Soomaaliya ee Juba- South Sudan Ambassador Abdirahman Dinari in gaadiidkaasi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed uu daba-galo, dibna ugu soo celiyo gacanta milkiilayaasha, isagoo mahad celin u jeediyay Safiirka iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda kaalinta waxtarka leh ee ay ka geysteen dib u celinta dadkii ku go’doomay dagaalada ka qarxay South Sudan.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba – South Sudan Ambassador H.E. Abdirahman Nur Mohamed “ Dinari” ayaa ka hadlay madasha, waxaana uu yiri “ Dukumintiga waan kaa gudoomay, waxaan u howlgali doonaa sidii aan xiriir ula sameyn lahaa qeybaha dowladda South sudan, waxaan ku faraxsanahay in baaqii aan jeediyay aad ka soo jawaabteen, waxaan rajeynayaa in gaadiidkaasi gacantiina lagu soo celin doono, safaaraduna waxa ay u adeegeysaa dadka Soomaaliyeed, howsheenu waa ilaalinta nafta, hantida iyo karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idin balan-qaadayaa inaan dadaal badan ku bixin doono sidii aad ku heli laheydeen hantidiina” .