Ammaanka Garoowe Oo La Adkeeyay

0
916

Garowe20130619Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta gabi ahaanba xiran wadooyinka gala magaaladaasi iyo kuwa ka baxa xili maalmihii la soo dhaafay magaaladaasi ay eheyd mid ay ka socdeen howla la xiriira doorashada madaxda maamulkaasi uu yeelanayo maadaamada maamulka hadda shaqeeya uu waqtigiisu dhamaaday.

Xaafadaha iyo wadooyinka magaalada Garoowe ayaa waxaa la dhigay ciidamo aad u fara badan oo sugaya ammaanka maadaama maanta musharixiinta u baratamaya xilka madaxweynenimo ee maamulkaasi la filayo in khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkooda iyo taariikh nololeedkooda ay ka hadlaan.

Maalinta barito ayaa qorshuhu yahay in baarlamaanka maamulkaasi uu soo doorto madaxweynaha uu yeelanayo maamulka Puntland oo ay u tar tamayaan musharixiin fara badan oo doonaya qabashada xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

Radio Muqdisho