Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in hal cadow ay leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed kaasoo ah buu yiri al-shaaab.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Caalamka iyo Soomaalida looga baahan yahay in aragti mideysan ay ka qaataan kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda dowlada Somalia iyo dhinacyada taageera.
“Ummada Somaliyeed hal cadow ayay leeyihiin, waa inay sidaasi u fahmaan. Waa cadowga hooyooyinka leynaaya, waa cadowga aqoonyahanada dilaaya, waa cadowga ubadkeena baabi’inaaya. Waa cadowga nolosha inoo wada diidan.Caruurteena waxay Xaq u lee dahay in ay wax bartaan, shacabka Somaliyeed iyo Dowladda waa inay isla fahmaan cadowga kaliya ee ay maanta lee yihiin” ayuu si kulul uyiri Axmed Maxamed Islaam, Hohaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba.
Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in lagama maar-maan ay tahay in shacabku ay fahmaan cadowgooda isla markaana ay aragti mideysan ka qaataan, sida uu hadalka u dhigay isagoona sidoo kale Beesha Caalamka ka dalbaday in ay Somalia ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Haladkan ayuu Axmed Madoobe ka sheegay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka hor inta uusan u kicitimin magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland halkaasoo uu uga qeybgalayo caleemo saarka madaweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka dhaaya halkaasi.