Baadiyoow: qaabka loola dhaqmay Tarsan maahan dhaqan doowladnimo

0
988

CabdiraxmaanBaadiyowDr C/raxmaan Baadiyoow, oo kamid ah Ururka Al-islaax, sidoo kalena kamid ahaa musharixiintii 2012 isku soo taagtay Xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya, ayaa Doowlada Federaalka ku dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Gudoomiyaha G.Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

“Tarsan waa laga qaadi karaa xilka loo magacaabay, laakiin ilama haboona sida looga qaaday, waa farsamo xumo iyo wax aan ahayn dhaqan doowladnimo, waxayna lamid tahay sida R/wasaare Saacid xilka looga qaaday” sidaas waxaa yiri Dr Baadiyoow.

Bulshada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, aqoonyahano iyo Siyaasiyiin, ayaa aad u canbaareeyay sida bahdilka ah ee ay DFS ula dhaqantay Gudoomiyaha G.Banaadir, oo ah shaqsiga kaliya ee waxqabadkiisa muuqdo.

Tarsan, ayaa sabab u ahaa Iftiinka yar ee ay maanta Muqdisho ku naalooneyso, laakiin isaga kaliya maahan dadka wax qabtay ee hadana lagu caasi garoobay, waxaa jira Saraakiil Ciidan oo shabaab ka saaray magaalada Muqdisho iyo Gobolo badan, abaalkoodana waxaa looga dhigay in si sharaf darro ah xilka looga qaaday looguna badalay kuwo wax matarayaal ah, oo aan ilaa iyo hada sidii loo magacaabay Hoteelada kasoo bixin hal Gobolka ka saarin shabaab.

Midnimo