Baarlamaanka oo laalay mooshin laga keenay wasiirro hore

0
984

Barlamaanka20131202_1Barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta laalay mooshin looga soo horjeeday in xukuumadda cusub lagu soo daro xubno ka tirsanaa wasiirradii xukuumaddii hore ee kalsoonida baarlamaanka weysay ee uu hoggaaminayay Cabduqaadir Faarax Shirdoon.

Kulan ay maanta xildhibaannada baarlamaanku ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu soo jeediyay in ay mudaneyaashu cod u qaadaan mooshinka laga keenay golihii wasiirrada ee xukuumaddii Saacid oo ahaa in aan lagu soo darin xukuumadda cusub.

Cod gacan-taag ah oo loo qaaday mooshinka ayaa 113 xildhibaan waxay u codeeyeen in ajandaha laga saaro mooshinka, halka 99 xildhibaan ay u codeeyeen in mooshinka la meelmariyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku dhawaaqay in mooshinka laga saaro ajandaha baarlamaanka.

Bar-kulan