Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaiya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayay Kulanka Baarlamaanka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu qiimeyn ku sameyn doono 3-dii Biloodba mar ee Xukuumadda Soomaaliya ama 3-dii kala fadhiba mar.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Dowladda ay gaarto Gobolada Dalka Miisaaniyad Sanadeedka Cusubna loogu daro qarashka ay ku tagi lahaayeen Gobolada.
Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaiya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmihii dambe kulamada ay Barlamaanka Muqdisho ku yeelanayaan mid dardar ah iyadoona kala fadhigii 3-aad ee Baarlamaanka uu marayo mid gabo gabo ah.
Shabelle