Mudanayaasha Baralamanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya fadhi cod loogu qaadayo mowshin ka dhanka ah in wasiiradii Xukumaddii hore ay ka mid noqondaan xukuumadda cusub ee la filayo in dhawaan la soo dhiso.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynta Baarlamanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Ajandaha kulanka Baarlamanka ee maanta uu noqon doono u codeynta Mowshinkii looga dooday kulankii 55 aad ee qabsoomay 12 Janayo 2014, kaas oo ku saabsanaa in wasiiradii hore ee xukuumadii Saacid ay ka mid noqon karaan golaha wasiirada cusub ee la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
“marka aan soo kobo mowshinka nuxurkiisa waxaa ka mid ahaa in xukuumadda cusub aysan ka mid noqon wasiiradii hore ee ka midka ahaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay, waxaana la filayaa in maanta codka loo qaado mowshinkaasi’’ Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Mowshinkan ku saabsan in aan la soo celin karin wasiiradii ka tirsanaa xukuumaddii hore ayaa waxaa baarlamanka u gudbiyay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.
Radio Muqdisho