Korneel C/qaadir Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgallo Jidgooyooyin kala duwan looga qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
C/qaadir Axmed kana mid ah Saraakiisha ku sugan Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulka Degmada Afgooye ay qaadi doonaan Isbaarooyinka yaala Gobolkaasi.
“Waxaa ballan qadeynaa in Cidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Afgooye ay qaadi doonaan Isbaarooyinka yaala Degaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose”sidaasi waxaa yiri Korneel C/qaadir Axmed.
Howlgalladan lagu qaaday Jidgooyooyinka ayaa waxa uu imaanayaa xili Cabasho ay a soo yeereyso Shacabka Degan Degmadaasi Afgooye iyadoona Cabashadaasi ay ka dambeysay Isbaarooyinka soo buuxdhaafiyay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Shabeele