Boosaaso: 3 qof oo ku dhaawacantay qarax bam

0
963

Boosaaso20140125Saddex qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed xalay lagu weeraray saldhigga degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mid ka mid ah saddexda qof ee dhaawacantay ayaa la sheegay in uu ka mid yahay maxaabiis ku jirtay saldhigga.
Dhaawacyada ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Boosaaso.

Lama oga sababta iyo cidda ka dambeysa weerarka.

Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay talis ciidamada ee Boosaaso oo ku saabsan bamka lagu tuuray saldhigga.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli gelinkii dambe ee shalay la xiray in ka badan 50 qof oo dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay falal burcadnimo ah oo xilliyada habeenkii lagu dhaco shacabka ku nool Boosaaso.

Bar-kulan