Ciidamada AMISOM oo qaraxyo lagula eegtay Gobalka Shabeelaha hoose

0
1064

MarkaBeachWararka laga helayo Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa xaqiijinaya in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula eegtay inta udhaxeysa Magaalada marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose iyo deegaanka Buufoow ee Gobalkaasi ka tirsan.

AMISOM ayaa qaraxyada lala eegtay waxa ay wararka sheegayaan in noocooda ay kala ahaayeen miinada dhulka lagu aaso iyo bam gacmeedyo labo gaaraya, kuwaasi oo qarax miinada markii uu haleelay lagu tuuray bmabada.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamada AMISOm hayeeshe rasaas ay fureen ciidamada Amisom ayaa wuxuu khasaaro kala duwan kasoo gaaray dad shacab ah gaar ahaan dad xoolo dhaqato ah.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa dhaawac uu soo gaaray halka ilaa iyo iminka aan la xaqiijin geeri ka dhashay rasaasta ciidanka AMISOM ay fureen.

Maamulka Magaalada Marka ayaan ka hadlin qaraxaan lala eegtay ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka kusii jeeday.

Warkii