Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Bam Gacmeed Khasaaro geystay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Halkaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Russia ee Degmada Marka sida dad ku sugan Magaaladaasi Marka ay u sheegeen Shabelle in Qaraxa ay ku geeriyoodeen 2 Askari halka 2 Askari kalena ay ku dhaawacmeen.
Bam Gacmeedka kadib ayaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxa ay fureen Rasaas xoogan inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo yeeray Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan Qaraxaan Khasaaraha Geystay oo Ciidamo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Degano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose waxaa maalmihii u dambeeyay ay marti u noqdeen falal amni dari oo isugi jira Qaraxyo iyto Dilal qorsheysan oo lala eegto Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugna gudaha Gobolka Sh.Hoose iyadoona xusid ay mudan tahay in Maamulka Gobolka Sh.hoose ay dhawaan ka dhawaajiyeen in aysan wax ka qaban Karin dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Sh.Hoose.
Shabelle