Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Bakool

0
994
Markacadeey.com

Markacadeey.comKadib weerar ay ku qaadeen Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab Xarun ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa halkaasi waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Ururka Al Shabaab.

Illaa iyo iminka lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool Xilliga oo habeen aheyd aawgeed.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Xaaladda ayaa caadi ku soo noqotay iminka waxaana saaka lagu soo warramayaa in halkaasi ay howl gallo ka billaabeen Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo aan la sheegin cid lagu soo qabtay.

Shabelle