Ciidamada Italy oo bad baadiyay Tahriibayal Soomaaliyeed

0
1105

tahriibayaalSomaaliCiidanka badda ee Talyaaniga ayaa sheegay inay ka badbaadiyeen in ka badan kun qof oo tahriib ah badda Mediterranean labaatan iyo afartii saac ee u dambeysay. Dayaaradaha ciidanka badda ayaa helay afar doomood oo sida in ka badan sideed boqol oo qof oo quusay.

Dadka Talyaanigu waxay aad uga naxeen labo shil oo maraakiib degtay bishii November ay ku nafwaayeen boqollaal dad soo galow ah. Wixii ka dambeeyay masiibooyinkaas waxaa la kordhiyay ilaalo maraakiib xeebaha u dhexeeyaTalyaaniga iyo woqooyiga Afrika.

Kooxahaas gurmadkuna waxay ahaayeen kuwo aad mashquul u ah. Maalintii khamiistii shalay dayuuradaha qumaatiga u kaca waxay arkeen afar doonyood oo aad u buuxdhaafsan oo dhibaato haysato. Dad ka badan 800 oo qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur ayaa ugu dambaystii laga soo badbaadiyay.

Waqti sii horreeyeyna, doon kale oo sidday 230 qof ayaa loo soo jiiday dekedda Sicily.

Hadal ay soo saareen ciidanka badda ee Talyaanigu waxaa lagu sheegay in dadkaas la soo badbaadiyay ay u kala dhasheen waddammada: Tunisia, Masar, Ciraaq iyo Pakistan.

Mas’uuliyiinta Talyaanigu waxay filayeen in tirada dadka soo galowga ah ee soo qulqulaya ay aad hoos ugu dhici doonto inta lagu jiro xilliga qaboobaha. Ka soo gudubka badda waqti xaadirkan way ka halis badan tahay waqtiyada kale sababtoo ah qabowga faraha badan iyo duufaannada dhacaya.

Laakiin xaqiiqada ah in dad ka badan kun qof la soo badbaadiyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo lagu jiro bartamaha xilliga qaboobaha waxay muujinaysaa sida ay dadkaas uga caddahay inay Yurub soo gaaraan, ayna nolol cusub ka bilaabaan.

Midnimo