Ciidamo dowladda ka wada tirsan oo Shabeelaha Hoose ku dagaalamay

0
934
Markacadeey.com

Markacadeey.comIska Hor’imaadyo Khasaaro geystay oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ku dhexmareen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida dad Goob Joogayaal ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Ciidamadaan oo qaab qabiil u abaabulnaa islamarkaana ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu Yaraan 1 Askari oo dhinacyadii dagaalamay ka tisranaa ayaa ku dhintay iska Hor’imaadka 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo la tilmaamayo in khasaaruhu uu intaa ka badan karo.

Masuuliyiinta dowladda iyo Saraakiisha Gobolka Shabeelaha Hoose oo aanu la xiriirnay ayaan weli ka hadlin Dagaalkaasi dhex maray Ciidamada ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shabelle