Ciidamo Ethiopian ah oo buux dhaafiyay Beydhabo

0
1220

CiidamadaItoobiyaWararka aan ka heleyno Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in Ciidamo aad u tiro badan ay buux dhaafiyeen Magaalada kuwaas oo qeybo badan oo ka mid ah halkaasi saldhigyo Ciidan ka sameystay.

Dad deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamadu ay isku fidiyeen qeybaha kala duwan ee Magaalada waxaana soo gelitaanka Ciidamadani ay imaaneysaa xilli horay ay Ciidamada Ethiopia ay isaga huleeleen Gudaha Beydhabo.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kuwaas oo ay ku bartilmaamsadaan Xarumaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Beydhabo.

Illaa iyo iminka Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamda Ethiopia iyo Kuwa Maamulka Gobolka Bay ee ku aadan Ciidamadaasi buux dhaafiyay Magaalada ah.

Shabelle