Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa shalay isu dhiibay mid ka mid hor-joogeyaasha kooxda Al-Shabaab.
Xasan Gaduudow Cali, oo maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda tuulada Dolondolle oo hoos tagta magaalada Baydhabo ayaa isu dhiibay ciidamada amniga ee Baydhabo.
Ninka is dhiibay ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay habka ay ku nool yihiin dadka u shaqeeya maleeshiyada, isaga oo sheegay amni darro baahsan oo ka jirta kooxda dhexdeedana in ay sabab u tahay in uu ka tanaasulo fikirka kooxda.
Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Baay, Col.Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in uu nidaamka dowladda isu soo dhiibay ninka ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, isaga oo xusay in ciidamada amniga ee magaalada Baydhabo ay ka soo kaxeeyeen meel 5 km u jirta magaalada.
Dhallinyarada kale ee ku jirta kooxda ayuu taliyuhu ugu baaqay in ay isu dhiibto dowladda Soomaaliya.