Xaflad weyn oo ku saabsan sidii ciidanka Itoobiya si rasmi ah loo hoos-gayn lahaa taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Arbaco ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Saraakiil sare oo ka socda AMISOM, Burundi, Itoobiya iyo Uganda ayaa goob-joog ahaa munaasabadda.
Weriyaha Bar-kulan ee Baydhabo ayaa ku soo warramay in isla maanta magaalada lagu arkayo askar ka tirsan ciidanka Itoobiya oo wata dareeska iyo astaanta lagu yaqaanno ciidanka AMISOM.
War lagu qoray bogga AMISOM ay ku leedahay Twitter ayaa lagu sheegay in ciidanka Itoobiya ay u suurta-galin doonaan xoogagga dalalka Burundi iyo Uganda inay u dhaqaaqaan qeybo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaaha Dhexe.
Ciidanka Itoobiya oo ka kooban saddex guuto ayaa lagu wadaa inay ka howlgalaan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo si loo dardar-geliyo dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Afrikaanka ah ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Bar-kulan