R/wasaare C/wali, ayaa lagu wadaa in maanta uu horgeeyo Baarlamaanka Golihiisa Wasiirada, waxaana jira Xilibaano badan oo ku goodiyay ineeysan ansixin doonin Golaha Wasiirada.
Kulan ay gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka shalay ku yeesheen xafiisyadooda Villa Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyay in fadhiga baarlamanka ee maanta la horgeeyo barnaamijka xukuumadda cusub.
Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen in maalinnimada berrito ah la horkeeno Golaha Shacabka Barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Ra’isulwasaaraha Dalka
Xoghayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka kulankoodii shalay ku go’aamiyeen in R/wasaaraha uu maanta baarlamanka horkeeno barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, isagoo xusay in mudanayaasha ay soo akhrisan doonaan muddo 24 saacadood ah.
Warkii