Dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Digfeer ayaa la dhameystiray, iyadoo isbitaalkan oo sanadkii hore uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, laga dhigay mid ka mid ah isbitaalada ugu casrisan geeska Afrika.
Isbitaalka Digfeer oo dib u dayactir iyo qalabeyn casri ah ay ku sameysay dowladda Turkiga ayaa ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee ay Hey’adaha Turkiga ka fuliyeen Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo Ra’iisul wasaaraha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan uu albaabada u furay kaalmada Turkiga siinayo Soomaaliya.
Isbitaalkan ayaa leh qeybo badan oo isugu jira qaliinka, meelo jardiino, qolalka la seexiyo bukaanada iyo qeybta xaalada deg dega, waxaana marka aad tagto aadan rumeysaneyn in isbitaalka Digfeer inuu yahay iyo in Isbitaal dal kale oo kuwa horumaray oo ku yaal uu yahay.
Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee taageerada ugu ballaaran siiyo Soomaaliya, waxaana uu Muqdisho ka wadaa mashaariic horumarineed oo isugu jiray dhismayaal Iskuulo, goobo caafimaad iyo adeegyo kala duwan sida dib u dhiska wadooyinka oo laami heer sare ah la saarayo.
Jowhar