Dad lagu dilay Baladxaawo Gedo

0
1041

TargetingAssasinationWararka ka imaanaya Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Kooxo Hubeysan Fiidnimadii xalay Labo Ruux oo Rayid ah ay ku dileen Gudaha Degmadaasi Baladxaawo.

Goob joogayaal iyo Ilo lagu Kalsoonyahay oo ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa Shabelle u xaqiijiyay dilkaan Labada qof loogu geystay halkaasi.

Labadaani qof ee xalay Baladxaawo lagu dilay ayaa la sheegay in horay ay uga goosteen Ururka Al Shabaab islamarkaana islamarkaana ay yimaadeen Magaalada Muqdisho iyagoo Markii dambana Degmada B/xaawo dib ugu laabtay oo iyadu xalay lagu qaarijiyay.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay si fudud goobta uga baxsadeen , iyadoo xiriir aan la sameynay guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil uu inoo sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay Ururka Al Shabaab.

Degmada Baladxaawo iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo ay geystaan Kooxo hubeysan iyadoo qeybo badan oo ka tisran Gobolkaasi gedo ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab.

Shabelle