Muwaadinii Soomaali ah oo ka amba baxay dalka Yemen ayaa Ciidamada Ammaanka dalka Sacuudiga waxa ay ka qabteen xuduuda dalka Sacuudiga uu la leeyahay dalkaasi Yemen xili ay doonayeen si tahriib ahaan in ay ku galaan boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Dadkani oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa muddo kooban waxa ay ku jireen xabsi ku yaala dalkaasi, iyadoo intaasi ka dib ku soo celiyay dalka Yemen oo markii ay ka soo galeen.
Wararka laga helayo dalka Yemen ayaa sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee jooga dalkaasi ay ku adkaatay galista dalka Sacuudiga maadaama xuduuda dalkaasi ay soo buux dhaafiyeen Ciidama aad u fara badan oo ka ilaalinaya xuduuda dadka tariib ahaanta ku galaya wadankaasi.
Soomaali fara badan ayaa ku nool dalka Sacuudiga iyadoo dhibaato xoog leh mararka qaar kala kulma ciidamada wadankaasi, kuwaa oo jirdil iyo xarig mararka qaar kula dhaqaaqa dadka Soomaaliyeed oo ay u dheertahay xabsi uu ka danbeeyo tarxiil.
Radio Muqdisho