Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Mr Herman VAN ROMPUY ayaa waxa uu maanta ka guddoomay Warqadihiisa aqoonsi ee danjirimo Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u soo magacaawday Midowga Yurub Danjire Ali Saciid Faqi.
Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Herman VAN ROMPUY ayaa qaaillay Danjite Cali Saciid Fiqi, waxa ayna ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya ee dhanka siyaasadda, sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii looga wada shaqeyn lahaa taageerada Soomaaliya ee wadamada Yurub, dowladda Soomaaliyana ay kaalinteeda qaadato.
Waxaa aad looga wada hadlay sidii loo caawin lahaa Soomaali sida Qaxootiga ah ugu nool dalalka Yurub, iyadoo madaxweynaha M. Yurub Herman VAN ROMPUY uu arrintaasi si weyn u ajiibay.
waxyaabihii la isku soo hadal qaaqday ayaa waxaa ka mid ahaa doorka ee midowka Yurub ee ak ciyaari karto hanaanka a geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya.
Danjiraha Ayaa u mahadceliyay kaalinta ay midowga yurub ee ka qaateen geedi u socodka nabadda Soomaaliya iyo marti soorka ay u sameeyeen qaxootiga Soomaaliyeed ku dhaqan, qaarada yurub isagoo intaasi raaciyay in safiirku uu balan qaaday in uu sii wadi doono xoojinta xiriira iyo iskaashiga ka dhexeeya midowga yurub iyo dowlada federaalka somali.
Radio Muqdisho