Darawalada gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye oo shaqo joojin ku dhawaaqay

0
891

Darawalada gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin, iyagoo sheegay inay qaban doonaan dibad bax ay uga cabanayaan isbaarooyinka daadsan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Gudoomiyaha Gudiga Iskaashatada gaadiidka Dahir Maxamuud Dirir ayaa sheegay inay ka cabanayaan dhibaatooyinka ka jirta wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo uu sheegay in la soo dhigay isbaaro aad u fara badan.

“Waxaan ka cabaneynaa isbaarooyinka la soo dhigay wadadaas, labo darawal ayaa ilaa iyo hada nagala jirdilay, dhibkana waa nagu soo badanayaa, isbaarooyikana kuwo xad dhaaf ayay noqdeen, waxaa go’aansanay inaan shaqo joojin sameyno maanta”ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga Iskaashatada Gaadiidka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isbaaro kasta ay talaab talaab u taalo, isla markaana lacag fara badan laga qaado, waxaana uu xusay in hadii ay diidaan la kulmaan jirdil ay u geysanayaan ciidamo ka tirsan dowladda.

“Madaxweynaha waa u mahad celineynaa marar badan oo uu ku dhawaaqay in isbaarooyinka la qaado, laakiin mar kasta oo uu hadlo isbaarada waaba nagu sii badataa”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay in la qaado isbaarooyinka, waxaana uu amar ku bixiyay in askarigii taagan wadada oo qaadanaya lacago isbaaro in la dilo, laakiin ma jirto ilaa iyo hada wax ka dhaqan galay hadaladii Madaxweynaha, waxaana dib u soo laabtay isbaarooyinkii wadada laga qaaday.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay isbaarooyin xad dhaaf ahaa oo la soo dhigayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo isku day dhowr jeer isbaarooyinka lagu qaaday ay fashilmeen.

Jowhar

GaadiidkaMuqdishoAfgooye20140125_2 GaadiidkaMuqdishoAfgooye20140125_1 GaadiidkaMuqdishoAfgooye20140125_3