Ergooyinka ka kala socda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Somaliland oo wadahadallo uga socday dalka Turkiga ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo ku saabsan qariirad loo raacayo sii wadidda wadahallada labada dhinac ee ku saabsan aayaha Soomaaliya.
Siihayaha Wasiirka arrimaha gudaha ahna Wasiirka cusub ee Amniga qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ergadii ka socday maamulka Somaliland ay wada gaareen heshiis dhowr qodob ka kooban oo ay ugu muhiimsantahay in saddexdii bil mar la kulmo.
“Waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in saddexdii bil aan mar ku kulano dalka Turkiga, in la abuuro kalsooni, teeda kale hadafka iyo wadahallada waa mid iska cad, oo ah sidii aan dib u soo celin lahayn midnimadii iyo wada jirkii Soomaaliya iyo in Walaalaheen ay ku soo laabtaan xeen daabka guud ee dowladda” ayuu yiri C/kariin Xuseen Guleed.
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in qodobka ku saabsan midnimada Soomaaliya aan weli laga hadlin balse ay ka horeyso qodobo kale oo lagu xoojinayo wadahadallada labada dhinac u socda, waxaana uu intaa ku daray in ay si wada jir ah u garawsadeen, islamarkaana ay shacabka Somaliland ay la qeyb sanayaan xanuunkii dowladdii Militeriga ahayd ay u geysatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Somaliland.
Wasiirka Amniga Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada dowladda Soomaaliya ay ka leedahay wada xaajoodkan ay tahay in lagu qanciyo Maamulka Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Soomaaliya.
Radio Muqdisho