Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsaday Somaliland in dib loo dhigo wada hadalkii u socday ee lagu waday in dhowana uu ka bilowdo dalka Turkiga, iyadoo wafdi Somaliland uga qeyb geli lahaa wada hadalkaas oo shalay ka ambabixi lahaa Hargeysa ay baaqdeen.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in shirka uu baaqday, kadib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in shirkaas dib loogu dhigo inta laga soo dhisayo Golaha Wasiirada.
“Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in shirkaas dib loo dhigo, waxaa nala soo xiriiray Madaxweynaha iyo wasiirada, waxay yiraahdeen inta aan Wasiirada ka soo dhisayo dib ha naloogu dhigo shirka, maadaama cida ka qeyb galeysa aanay sharciyad heysan”ayuu yiri Maxamed Biixi Yoois.
Mr Biixi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay in 15-ka bishan loogu dhigo, hase ahaatee ay ka diideen, maadaama ay iyagu shir kale dibada ku leeyihiin, waxaana uu xusay in lagu balamay dhamaadka bishan in la wada hadlo.
Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in markii 3aad ay ku shiraan dalka Turkiga, iyadoo labo goor oo hore uu dib u dhac ku yimid wada hadalkii la filayay in dib loo ambaqaado, maadaama dowladda ay gashay bishii November xiisad siyaasadeed ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday.
Jowhar