Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya

0
951

CabdixakiimFaqi20130611Wasiirka Difaaca Xukuumadda Sooamaliya ayaa sheegay in ay jiraan in Ciidamo aan aad u badneen oo Mareykan ah oo iyagu ku sugan Soomaaliya.

Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somaaliya ayaa tilmaamay in Ciidamadaasi ay taageero dhan welibaa siiyaan Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa qalabka sida iyo kuw Midowga Afrika ee AMISOM.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in Caawimaad dhameystiran ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso cid kasta oo ku gacan siineyso Wiiqista Awoodda Ururka Al Shabaab.

Shabelle