Wararka aynu ka heleyno koonfurta gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab loo geystay duqeyn.
Duqeyntan ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha laheyn waxaana bartilmaameedkoodu ahaa gaadiid ay saarnaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo iyagu qasaare uu kasoo gaaray duqeynta.
Goobta ay duqeyntan ka dhacday ee ay marayeen kolonyada gaadiidka ah ee ay saarnaayeen Horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ah inta u dhaxeysa degmooyinka Sablaale iyo Baraawe oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.
Waxaa la xaqiijiyey in gaadiidka duqeynta loo geystay ee kolonyada ah ay gebi ahaanba bur bureen waxaana Horjoogayaasha ku geeriyooday ka mid ah Sahal Isku-Dhuuq oo ay Al-Shabaab dhexdooda u yaqaaneen Camuu oo isagu ahaa horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa soo dhaweynta iyo isku xirka Ajaaniibto,sidoo kalena waxaa goobta ku geeriyooday horjoogayaal kale oo aanay magacyadooda weli la helin.
Radio Muqdisho