Faah faahin: Qarax xalay ka dhacay Jommo Kenyata

0
1030

QaraxJomoKenyataAirport20140118Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax yar oo Xalay ka dhacay maqaayad ku dhex taal Garoonka Diyaaradaha ee Jommo Kenyata, qaraxa ayaa la sheegay inuu sababay Nal ku yiil halkaas.

Ciidamada dalka Kenya, ayaa hada baaris ku wada Nin Tagsiile ahaa oo isagoo meyd ah laga dhex helay Gaarigiisa, inuu xiriir la leeyahay qaraxa iyo inkale.

Kenya ayaa waayadii danbe weerari is daba joog ah kala kulmeysay, kooxda Al-shabaab, waxaana ugu danbeeyay weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Xaruunta Ganacsi ee Westgate Mall.

Weerarka Westgate lagu qaaday, ayaa waxaa ku nafwaayay 67 qof oo isugu jira Ciidamada amaanka Kenya, dalxiisayaal iyo shacab Kenyan ah.

Sidoo kale Sanadkii lasoo dhaafay, ayay ahayd markii uu dab weyn qabsaday Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata, waxaan saraakiishii Baartay ay sheegeen inuu ka dhashay Khalad Koronto balse uusan ahay weerar Aragagixisnimo.

Goob joogo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in qaraxa xalay ka dhacay Jomo Kenyata, uu sababay Nal ku yiil Maqaayada “Java House cafe” oo qarxay.

Wariyayaal sidoo kale ku sugnaa Garoonka, ayaa sheegay in qaraxa kadib ay Uuro is qabsatay, taasoo caabsi weyn ku dhalisay dadkii Garoonka ku sugnaa.

Booliska ayaa sheegay in ay heleen meydka nin dhalinyaro ah saacad kadib markii uu qarax uu ka dhacay gudaha garoonka Jomo Kenyatta, kaasoo rasaas ay fureen Booliska ku geeriyooday.

Meydka ninkan oo laga helay gaariga noociisu ahaa Toyota Avensis xili albaabada hore ay furnaayeen, qeybaha danbena rasaas kaga tiilay.

Goobjooge la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in labo ruux oo lagu tilmaamay in asalkoodu yahay Soomaali ay ka dageen gaariga kadibna raaceen moodada nooca loo yaqaan dhugdhugley.

Baarista ay ciidamada Booliska sameeyeen ayaa waxay ku arkeen gaariga dhiig badan oo dhex yiil gaariga iyo koob laga leeyahay baar lagu magacaabo Java Coffee. Sidoo kale ay ciidamada booliska qarxiyeen waxyaabo ku rakibnaa kuraasta gaariga.

Midnimo