Ayadoo xalay Qarax uu ka dhacay Xaafada H/Wadaag ayaa faah faahino ka soo ifbaxayaan waxay sheegayaan inay ku geeriyooday gabar yar oo 6 sano jir ah taasi oo dhaawac ka soo gaaray Qarax loo geeyay Cubitaalka Intersos ee Magaalada Jowhar .Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa uu dhaawac uu ka soo gaaray 2 ruux oo mid ka mid ah uu yahy Ilmo jiro 7 Sano.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah kuwaasi oo la keenay Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.
Xiriiro kala duwan oo aanu la sameyneynay Saraakiisha Ciidamada ayaa ku gaabsaday in ay ku sheegan in Qaraxa uu ahaa mid laa eegtay qaar ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Wararka saakay ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowlada howgal Balaaran ay ka sameynayaan xaafada Hanti wadaag halkaasi xalay Qaraxa uu ka dhacay.
Warkii