Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaarado dagaal oo aan la ogeyn dalka laga lahaa ay ka geystaan saldhig Xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Birta Dheer oo qiyaastii 18-KM u jirta magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Sida ay sheegayaan wararka duqeymahan oo dhacay shalay ayaa la sheegay inuu jiro qasaare ka dhashay, kadib markii diyaaradaha ay duqeeyeen fariisimaha Al-Shabaab, halkaasoo la tilmaamay inay shir ku lahaayeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saanad milateri oo ay ku jireen gaadiid dagaal ay ku gubatay duqeynta, iyadoo si rasmi aan la ogeyn qasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan.
Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeyntan lagu beegsaday saldhiga Shabaab ay ku sugnaayeen hogaamiyeyaal sar sare oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali.
“Halkaas qasaare xoog leh baa ka soo gaaray, gaadiid uga gubtay, sahaydooda iyo saanadooda, waliba rag sar sare baa ugu dhintay, inkastoo aan tiradooda heyn”ayuu yiri Mr Kaliil.
Waxaa tan iyo shalay isa soo tarayay wararka ku saabsanaa duqeymahan ka dhacday deegaanka Birta Dheer oo aheyd deegaan mudooyinkii u dambeeyay ay isku uruursanayeen Xoogaga Al-Shabaab.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan wararka sheegaya duqeyntan loo geystay saldhigooda, iyadoo aanay aheyn markii u horeysay oo duqeymo ceynkan oo kale ah lala bartilmaameedsado saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab.
Jowhar