Faroole Go’ankayga waxba iska badalay Doorashada Putland waxba ka qaldana Dagaal laga cabsi qabo

0
1082

farooleAndKeyWakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ka dalbaday madaxda Puntland in si nabad ay ku dheehan tahay ay ugu kala wareegaan awooda maamulkaasi, kadib doorashadii 8 Janaayo ka dhacday Puntland.

“Xildhibaanada Puntland waxay sameeyeen tusaale weyn maalmo ka hor taasi oo ah doorasho nabad, masuuliyadnimo iyo cadaalad ku salaysan, waxaana mahad celin u jeedinayaa doorkii Faroole oo ka ciyaaray”ayuu yiri Nicholas Kay.

“Waxaan dhiirigelin xaqiijisa ku siinayaa Madaxweynaha la doortey in uu qaado talaabooyin deg-deg ah taas oo u maslaxadi ugu jirto ciidamada amaanka ee gobolka, Shaqaalaha amaanka iyo shaqaalaha rayidka ah, waa in maamulka cusub ee Puntland ka shaqeeyaa danaha dadka reer Puntland.

Hantida dadweynaha ka dhexeysana waa in la ilaaliyo oo aan meesha laga saarin” ayuu yiri ergayga Qaramada Midoobey.
Cabsi waxa jirta isbadal ka yimada mamaulka putland warar an helnay saakay sheegaya in foroole diiday in xilka warejiyo dagaalna u xeetxetay, Kay ayaa ka dalbaday ciidamada amaanka iyo dadka rayid ah inay la shaqeeyaan maamulka cusub iyo danaha deegaanada Puntland, isagoo dhanka kale sheegay in madaxweynaha cusub laga doonayo wax ka qabsahada arimaha shacabka ku dhaqan Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wakiilka gaarka ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu shegay in nabada Puntland iyo dhismaha maamulkaasi looga baahan yahay masuuliyiinta maamulka cusub.

Sidoo kale wuxuu sheegay in QM, iyo dadka saaxiibada la ah oo ay ku jiraan IGAD iyo midowga Yurub ay sii wadi doonaan qiimeyta xaalada iyo taageeradaa shacabka iyo hogaanka Puntland, sida warka lagu sheegay.

Warkii.com